Università Roma Tre Centro Studi Somali Cooperazione Italiana allo Sviluppo Italiano English Af-Soomaali

Mashruuca

Kaydka qoraallada xogwarranka ah oo ku saabsan Soomaaliya oo qayb ka ah Geeska Africa, wuxuu ka dhashay qorshe howleedkii Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (XCS) ee jaamacadda “Università degli Studi Roma Tre”. Hawshan oo laga dhex hela internet-ka waxay ka koobantahay:

I - Dhammaan qoraallo nooc walba ah ee haatan ku sugan XCS¹, oo ay Soomaaliya ka soo aruuriyeen cilmibaariyayaashii kooxda Cilmibaarista Soomaaliyeed iyo bareyaal kale oo sannadihii iskaashiga (taliyaanigu) uu la lahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho.
Macluumaad kale ayaa jira oo soo bandhigay niman, ama macluumaad si dhaxal ahaan ay u haleen shakhsiyaad ay horay uga hawlgaleen Soomaaliya.

II - Mirihii cilmibaarista la xiriira Soomaaliya oo la horumariyay sannadaha 1970 gaar ahaan xagga luqadda iyo dhaqanka soomaaliyeed, sidii sekterada kale ee culuunta.

III - Macluumaad waxbarasho oo qaarkood lagu soo saaray wada shaqaynta isakaashiga (taliyaaniga) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Moqdisho, qaarkoodna loo adeegsan jiray dugsiyada soomaaliyeed, kaddib markii af-soomaaliga laga dhigay afka qaranka (1972).






¹ Waxaa loola jeedaa qoraallo aan si fudud looga helayn iyagoo ku qoran af-soomaaliga, iyo buugaag dugsiyadeed oo aan haatan badanaa laga helaynin gudaha Soomaaliya; qoraallo fargacmeed ah oo aan weli la daabacin (maansooyin, maahmaahyo la soo ururiyay iwm.); cajalooyin siddeetameeyadii laga duubay odayaashii Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo mawaadiicdooda ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka: mawduucyo kala duwan, musikada dhaqanka oo duuban, video, sawirro iwm.