Università Roma Tre Centro Studi Somali Cooperazione Italiana allo Sviluppo Italiano English Af-Soomaali
Università Roma Tre Centro Studi Somali Cooperazione Italiana allo Sviluppo Italiano English Af-Soomaali

Ururin

Kaydka waxaa ku urursan qaybahan:

(i) Buugaag
Qaybtan waxaa ka mid ah buugaag oo midkiiba hal mowduuc ka hadlayo (monographs), buugaag waxbarasho, dokumen- tooyin rasmi ah, iwm.

(ii) Cutubyo buugaag
Qaybtan waxaa ku jira dhammaan maqaallada laga dhex helo buugaag jacbur ah (oo xataa qaybta buugaagta ayaa laga dhex heli karaa).

(iii) Maqaallo
Halkan waxaa ku jira maqaallo lagu daabacay majallado iyo wargayso xilliyo koobanba mar soo baxaan.

(iv) Qoraallo aan la daabacin
Waxaa halkan ku urursan maqaallo aan la daabacin, qoraallo badankooda lagu rogay makiinadda rogitaanka (mimeo- graphed), muxaadarooyin, macluumaad kala jaadjaad ah, waxyaabo taariikh ahaan muhim ah iyo xogwarramo la xiriira hawlo ay qabteen niman ku xeeldheer dhaqanka soomaaliyeed.

(v) Sawirro
Qaybtan waxaa ku urursan macluumaad kala jaajaaj ah:
- waraaqo leh sawirro wacyigelin,
- sawirraddii xilliga gumaysiga,
- sawirro ay sameeyeen 80tamaddi dad kala duwan: naqshado dukaamada hortooda lagu sharraxo, qalab muusiko, ciyaaro, muuqaal degaan, iwm.

(vi) Maqal (cajalado)
Qaybtaan waxaa ka mid ah:
- Macluumaad muusiko oo soo aruuriyay kana faallooday Prof. Francesco Giannattasio. Cajaladan maqalka ah waxaa lagu xireeyay maktabadda “Santa Cecilia” oo siasxaan ah nagu oggolaatay inaa ku darno kaydka iyaga halkasnaa aan ku xafidno.
- Cajalado maqal oo ku duuban doodihii odayaasha Akadeemiyada Cilmiga, fanka iyo suugaanta ee Muqdisho, oo ku saabsan mawaadiicda hiddaha iyo dhaqanka, oo la diyaariyay 80tameeyadii.
- Barnaamijyo laga soo daayay radiyo Muqdisho.
- Maansooyin laga duubay dadka curiyay iyagoo tirinaya
- Hawlo masraxiyeed.

(vii) Maqal-muuqaal (video)
Qaybtan waxaa ku jira tiro video oo la xiriira dhacdooyin muhim ah sida daahfurka qaamuuska taliyaani-soomaali oo lagu qabtay 1985 Akedemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho, ama daahfurka shirweynihii III ee Ururka Caalamiga ee Diraasaadka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Roma 1986. Kuwa kale waxay la xiriiraan arrimaha dhaqanka soomaaliyeed oo soo diyaariyeen dad ku xeeldheer cilmiga anthropology-ga iyo cilmibaarayaal.